Wednesday December 05, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Cabdi Bare Cabdi oo ah afhayeenka ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Gedo ayaa ka hadlay rag Shabaab ay ku dileen Degmada Baardheere ee Gobalkaasi Gedo.


Afhayeenka wuxuu sheegay in ururka Al-Shabaab ay bartilmaameedsanayaan dadka waxgalka u ah Bulshada islamarkaana taasi ay tahay mid aad looga xun yahay.

Wuxuu sheegay Cabdi Barre Cabdi in Al-Shabaab ay laynayaan dadka culumaa’udiinka iyo waxgaradka ah taasi oo aysan ogoleen in qof indheer garad ah ay ku sugnaadaan deeganada ay maamulaan Shabaab.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada Dowladda ee Gobalka Gedo ayaa ka hadlay cabasho maalmahan dambe kasoo yeeraysay shacabka Degmada Garbahaareey ee Gobalkaasi taasi oo aheyd in dhac ay ugeestaan ciidanka.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya haba yaraate aysan marnaba dhicin shacabka askarigii lagu arkana isaga oo dadka dhacaya in la tooganayo sida uu sheegay.

Kasokoow cabashada ay qabaan shacabka Degmada Garbahaareey ayaa hadana waxaa jirta in Ururka Al-Shabaab todobaadkaan gudihiisa Degmada Baardheere ay ku toogteen wadaad caan ka ah Degmadaasi.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA