Bishaar Ismaaciil oo kamid ah masuuliyiinta urur la magacbaxay maamulka Jubba Land ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho usheegay in dhawaan lagu dhawaaqayo maamulka Jubooyinka.
Isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu sheegay in dabaqaayada bishaan lagu dhawaaqayo maamulka Jubbooyinka iminkana uu socdo shirarka lagu soo dhisayo maamulkaasi.
Wuxuu meesha ka saaray inuu jiro isqabqabsi ku aadan soo dhisida maamulka Jubbooyinka isaga oo sheegay in shacabka Gobalada Jubbooyinka dhan ay raali ka yihiin maamulka lasoo dhisayo.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com