Afar muwaadin oo u dahsya dalka Konnfur kuuriya oo in mudo ah gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo mudo isbuuc ka hor la sii daayay ayaa gaaray dalkooda koonfur kuuriya halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen ehalada iyo shacab fara badan oo ay ka muuqatay farxad aad u weyn oo ku aadan in muwaadiniitooda ay dib ugu soo laabtaan dalkooda,
Lahaaystayaashani haatan dib ugu laabtay koonfur kuuriya ayaa 19
gilood waxa ay gacanta ugu jiraan burcad badeeda soomaalida waxa ayna ku
noolaayeen nolol aad u adag,
Waxaana markii ay gaareen dalkooda ay la kulmeen soo dhaweyn aad u
weyn,ehalada dadkani afarta gaaraya ee dib ugu laabtay koonfur kuuriya ayaa in
mudo ah u olalleynayay sidii ay xuriyadooda dib ugu heli lahaayeen
muwaadiniinta kuunfur kuuriya oo gacanta ay ku dhigeen xilli ay la socdeen Markab lagu Magacaabo MT Gemini oo singabuur
laga leeyahay,
Ka dib shan maalmood ka dib afarta badmaax waxa ay ay ka dageen
Airport caalimiga ee Incheon,waxaana diyaarad ka qaaday dalka kenya waxa ay
iminka dib ula midoiobeen ehaladooda,
Park Han-yeol oo ah cabtanka markabkaMT Gemini ayaa saxaafada u sheegay in aad ugu faraxsan yahay dadaalada
ay sameysay dowlada koonfur kuuriya oo lagu sii daayay badmaaxayashani ee
burcad badeedu ay sii daayeen
Burcad badeeda Soomaalida ayaa muwaadiniintaan waxa ay afduub u
geystaan April 30, 2011 waxa ayna gacantooda ay ku jiraan 19 bilood.