Saraakiisha ciidamada dowlada Kenya ayaa ugu baaqay laamaha amaanka iyo dadka shacabka ee ku dhaqan dalkaasi Kenya inya ka qeyb qaataan sugida amaanka ee dalkaasi.
Mathew Iteera oo ah sarkaal ka tirsan
ciidamada Booliska Kenyaayaa sheegay in loo baahan inadkeeyo amaanka goobaha ay ka dhacayaan
doorashooyinka sanadkaa.
Waxa uu shegay sarkaalkaan inay ka
baqayaan falal amni daro ah inay ka dhacaan dalkaasi oo ka geystaan halkaasi
Ururka Alshabaab iyo dadka lidiga ku ah amaanka sida uu sheegay Mathew Iteera oo
la hadlayay warbaahinta Kenya.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay ciidamo
dheeraad ah oo boolis ah ay geyn doonaan
deegaanada iyo goobaha cod bixinta dalkaasi Kenya.
Sarkaalkaan ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in Alshabaab marar badan ay
hanjabaad u jeediyeen Dalka Kenyaay ka geysanayaan falal amni daro ah.
Hadalka kasoo yeeray saraakiisha amaanka
ee Booliska dalka Kenyaayaa imaanaya iyadoo Alshabaab ay marar badan weeraro amni daro ay ku hanjabeen
inay ka geysanayaan dalkaasi.