Macalinka kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay in Abaalmarinta Fifa Ballon d’Or laysku daalinayo in la suga January laakiin waxaan sheegayaa buu yiri cida la siin lahaa sanadkan ay iska cadahay.Tababaraaha Real Madrid oo bilihii u dambeeyay u ololaynayay in
wiilkiisa Ronaldo uu ku guulaysan karo abaal marintaan ayaa hada niyad
jabay waxaana uu si maldahan uu u yiri waxaa lala raadinayaa Leonal
Messi oo uu aamin sanyahay in Ronaldo uu ka fiican yahay.
Xidiga Barcelona ayaa warar hordhac ah waxaa ay sheegayaan in
sanadkaan markiisii afaraad uu ku guulaysan doono abaalmarinta laacibka
ugu wanaagsan dunida waxaana ay noqon doontaa taariiq aan la iloowi
doonin marnaba.
Kadib ciyaartii xalay ay garaaceen Ajax oo lawaydiiyay Mourinho
rajada uu ronaldo ka leeyahay Ballond d’Or ayaa waxaa uu ku
jawaabay”yaan laysku daalin cidii la siin lahaa mar hore ayaa la
qorsheyay taas uu kala jeedo inuu Messi yahay.
Mou ayaa ka caraysan in Messi uu qaado sanadkan Ballond d’Or waxaana
uu sheegay in Messi ay taageersan yihiin madaxda kubada cagta.
7 bisha January ayay noqon doontaa maalinta la ogaan doona cida laacibka dunida ma Messi ma Iniesta ama Ronaldo.