Xidiga Manchester United una dhashay dalka Maxico Javier Hernández oo lagu naaneeso (Chicharito) ayaa waxaa la ogaaday inuu yahay Xidig la dhacsan diinta Islaamka isagoo dhanka kale sheegay inuu la dhacsan yahay Nabi Muxamad (NNKH) uuna yahay qofka ugu wanaagsan.
Warkaan oo la soo dhigay Internetka ayaa weeraryahanka Cajiibka ah
waxaaa uu Boga Twitter-kiisa waxaa uu ku soo qoray #Aniga waxaan
cadeynayaa inaan Muslim ahayn laakiin waan u riyaaqsanahay Nabi Muxamad
SCW iyo dhamaan dadka Islaamka ah.
Warka waxaa uu intaa ku darayaa in Hernandez marka uu Maqlo Magaca
Nabi Muxamad uu raaciyo S.A.W oo la mid Salalaahu calayhi Wasallam oo
qofka Islaamka laga rabo inuu raaciyo markii uu Maqlo waxaana mararka
qaar la arkaa in ciyaaryahanka garoonka uu ku dhex sameeyo in Gacmaha uu
sare u taago
Hadalka Laacibka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo shucuubta gaalada qaarkood ay nabigeena ay aflagaadeeyaan.