Wednesday December 05, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax ka dhacay inta udhaxeysa Galgala iyo Boosaaso ee Gobalka Bari maamul Gobaleedka Puntland.


Sida wararku sheegayaan inta uusan dhicin qaraxa ayaa waxaa dagaal uu dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo sidoo kale ciidamada ku jira buuraha galgala ee ku biiray Shabaab.

Ciidan uu watay sarkaal horay uga tirsanaa maamulkii Cadde Muuse oo goobta gurmad ahaan u gaaray ayaa waxaa la sheegay in gaari ciidankiisa ay wateen ay la kacday miinada nooca dhulka lagu aaso.

Inta la ogyahay 12-kamid ah ciidamada sarkaalkaasi uu watay ayaa lasoo sheegayaa inay halkaasi ku geeriyoodeen halka sidoo kale dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray ciidanka.

Wasiirka amniga maamulka Puntland oo goordhaweyd shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falkaasi isalmarkaana ciidamada ammaanka ay talaabo ka qaadayaan.

Saraakiisha Shabaab ee ku sugan buuraha galgala ilaa iyo iminka majirto faahfaahin buuxda oo ay arintani ka bixiyeen.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA