Ururka Ahlusun ayaa soo dhaweeyay go’aankii dhawaan Madaxweynaha dalka Soomaaliya uu ka qaatay isbaarooyinka yaala Magaalada Muqdisho.
Sheekh Cumar Maxamed Mahad Alle oo kamid ah masuuliyiinta ururka Ahlusuna ayaa wuxuu sheegay in go’aankii Madaxweynaha dalka Soomaaliya uu qaatay ee qaadista isbaarooyinka ay tahay mid wanaagsan.
Wuxuu sheegay in qaadista isbaarooyinka ay tahay arin farxad leh Ahlusuna ay soo dhaweynayaan isaga oo sheegay in go’aanka Madaxweynaha uu kusoo aaday xilligii loogu talo galay.
Sheekh Cumar Maxamed Mahad Alle ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ammaanka Magaalada Muqdisho.
Dardaaran ayuu ujeediyay ciidamada Dowladda taasi oo ku aadan in ciidamada ay ka hortagaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee kooxaha dhibaatada wada ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.
25-Bishii aynu soo dhaafnaye ayeey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu go’aan rasmi ah ka qaatay isbaarooyinka yaala Magaalada Muqdisho.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com