Ujeedka kulanka ayaa wuxuu ahaa madaafiicda xalay lagu garaacay Degmooyin kamid ah Gobalka Banaadir waxaana masuuliyiinta Dowladda ay si adag uga hadleen arintaasi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ahna kusimaha Madaxweynaha dalka Maxamed Cusmaan Jawaari oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka daba tagayso ragii ka dambeeyay weerarka madaafiicda ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa isna dhankiisa sheegay in waxyaabaha xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ay yihiin arin aan loo dulqaadin karin.
Cabdi Faarax Shidroon Saacid Ra'iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay wadaan baaritaan ku aadan in cidii ka dambeysay arintaasi gacanta lagu soo dhigo.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayuu shegay inay ku dadaalayso Dowladda Soomaaliya si shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu seexdaan.
Xalay ayeey aheyd markii Degmooyin kamid ah Gobalka Banaadir ay kusoo dhaceen weeraro madaafiic ah oo aan la ogeyn ilaa iyo iminka halka laga soo riday.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com