Sida uu Idaacada Risaala u xaqiijiyay caawa ku simaha safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Nuur Sheekh Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulumo is daba joog ah waxaa uu caawa ku leeyahay dalkaas oo socdaal shaqo uu ku joogo.
Madaxwayanaha Soomaaliya ayaa kulan casho sharaf ah waxaa uu la qaadanayaa madaxda Turkiga oo maanta ay wada kulmeen kadibna sida Safiirka ku xigeenka uu sheegayo waxaa kulan uu la qaadan doonaa ardayda soomaaliyeed ee dalkaas wax ka barta.
Ardayda Soomaalida ee dalkaas ayaa heegan ugu jira sidii ay ula kulmi lahayeen Madaxwaynaha umada soomaaliyeed.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay masuuliyiinta sar sare ee dalkaas sida Madaxwaynaha waxaana ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada dal iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo dagaalo ay la dageen.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com