Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka daba tagayso kooxaha falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ka wada Magaalada Muqdisho.


Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in dadka dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho ujeedkooda uu yahay inay iska horkeenaan shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda.

“Dadka madaafiicda soo tuuraya waxa ay rabaan inay shacabka iyo Dowladda iska horkeenaan anaga marnaba taasi ma aqbalayno umana dulqaadaneyno”Ayuu yiri Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed si looga hortago kooxaha dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho wuxuu ka codsaday inay kala shaqeeyaan dhanka ammaanka.

Inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay inay ka hortagayaan dadka dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa muuqato in weli ammaanka Degmooyinka qaar aan si buuxda la isugu haleyn karin iyadoo Dowladda iyo AMISOM ay maamulaan Muqdisho.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA