Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kooxo ku labisan dareeska ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa xalay dil iyo dhac waxa ay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa marqura lagu baraarugay Ciidamadani oo galay guryaha iyo goobaha ganacsi islamarkaana baaranaya dadka maraya wadooyinka.

Maxamed ismaciil waxaa uu kamid ah yahay waxgaradka ku nool Dagmada kaxda waxa uu inoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay isaga Ciidamadaani oo uu sheegay inay Ahaayeen kuwo dhax lugeynayey Wadooyinka.

Waxaa uu intaa ku daray inay dil u geesteen mid kamid ah haweenka ku dhaqan Dagmadaasi kadib markii ay isku dayeen inay ka qaataan moobil iyana ay ka dhago adeegtay sidaana uu Dilkeedu uu u dhacay.

Arintani ayaa waxa ay noqonaysaa dhibaato soo foodsaartay shacabka Degmada Kaxda maadaama aan Degmadaasi looga baran dhac iyo dilal ciidan wata dareeska ciidamada Dowladda ay ka geestaan Degmadaasi.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA