Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbixin ay bogeeda hore ay ku Daabacday wakaalada wararka AP ayaa waxa ay ku sheegtay in dowladaha reer galbeedka qaarkood ay iminka ka baqanayaan dhalinyaro la sheegay inay tababar ay ku qaataan Soomaaliya ee dib ugu laabta dalalkooda oo horay ay kaga tageen si ay uga qeyb qataan dagaalada Soomaaliya ka socda.

Wakaalada ayaa waxa ay sidoo kale ay qortay in dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka iminka ay walaac ka muujinayaan dhalinyaro dib ugu laabta wadankooda kuwaasi oo tababar ku qaatay Soomaaliya islamarkaana ka barbar dagaalamayay Al-Shabaab.

Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa arintaan waxa ay u aaneeyeen kadib markii Al-Shabaab inta badan laga saaray Gobolada dalka Soomaaliya islamarkaana qaarkood ay yihiin kuwo baxsad ah oo laga yaabo in dadka Soomaalida ee haysta dhalashada wadamada Mareykanka ay dib ugu laabtaan dalalka ay ka yimaadeen taasi oo sababi karta in weeraro argagixiso ay ka geystaan.

Iyadoo dowladahani ay horay ay kaga feejignaayeen dhalinyaradani ayeey warbixintu ay qortay wakaalada wararka ayaa hadana waxa ay sheegayaan in haatan ay tahay qatarta mid daran oo u baahan in feejignaan dheeri ah loo galo.

Wakaalada wararka AP ayaa waxa ay sabab kaga dhigtay arintaan cabsida iyo walaaca horka leh ee soo food saartay dowladaha reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa imaaneysa xilli ay jiraan dagaalyahano dib ugu laabanaya dalalkii ay ka yimaadeen markaasi laga yaabo cadowtinimo ay u qabaan ay halkaasi weeraro ay ugu geystaan dalalkaasi Mareykanka iyo Ingiriiska.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA