Kadib dil xalay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir ayaa maanta Degmadaasi waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay wada qaateen maamulka Degmada Kaxda iyo shacabka Degmadaasi.
C/wali Yuusuf Cumar oo ah Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay kulanka Degmada ka socda iyo howlgalka.
Wuxuu sheegay in kulanka uu ka dambeeyay kadib markii xalay Degmadaasi ay ka dhacday arin shaqaaqo ah oo rag ka tirsan ciidanka Dowladda ay shacab ku dileen Degmadaasi sidoo kalena dhac ay ka geesteen.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay howlgal uu sheegay inuu Degmada ka socda isaga oo sheegay in ciidamada Dowladda ay wadaan howlgalka islamarkaana ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay arinta xalay ka dhacday Degmada.
Xalay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay Degmadaasi ku dileen qof dumar ah xilli ay doonayeen inay dhac ugeestaan kadibna ay isku adkeysay agabki ay doonayeen inay ka qaataan.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com