Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaa sii kordhaya dadka ku dhintay duufaanta iyo dabaylaha xoogan eek u dhiftay koofurta Dalka Filipiin sida ay sheegeen saraakiisha ku howlan samata bixinta dadka duufaanta ay saameysay.

Wararka laga helayo magaalada Mindanao ee koofurta Filipiin ayaa sheegaya in tirade dadka ku dhintay duufaanta ay gaarayso magaaladaasi 95 ruux halka dad kalana la la’yahay walli.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in tirade ay intaasi ka badan tahay islamarkaana ay gaarayso ku dhawaad 200 ruux kuwaasi oo la sheegay inay isku biirsadeen duufaan iyo roobab xoogan.

Dhismo ku yaala magaalada Mindanao la sheegayaa inay ku dhinteen 12 ruux ka dib markii guriga ay qaadeen daadad badan.

Sidoo kale meel ku dhow Davao Oriental ayaa la sheegayaa in dad badan ay ku dhinteen daadadka awgeed.

Tirada dadka dhintay waxaa la sheegayaa inay ku jiraan askar iyo dad gurmad ahaa u tagay koofurta Filipiin kuwaasi oo qaar lagu waayay magaalada Mindanao.

Afhayeen u hadlay dowlada , Fe Maestre, ayaa sheegaya in tirada dadka ay hayaan ee duufaanta ku geeriyootay ay gaareyso 151 ruux kuwaasi oo ku dhintay gobolka sida xun ay uga dhacday duufaan ee Harada Compostela, iyadoo laga yaabo inay intaasi ka badan karto ayuu sheegay isagoo la hadlay AP.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA