Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowlada Dalka Maali iyo labo koox oo mucaarad kuna ku sugan dalkaasi Mali ayaa la sheegay inay isku hishiiyeen in la dhowro Qaranimada Dalkaasi,ka dib markii shirkoodoo ugu horeeyay oo la doonayo in lagu dhameeyo colaada ka taana Wadanka Galbeedka qaarada Africa ku yaala taasi oo sababtay inay labo dhinac u kala go’aan.


Wafdi ka socday Dowlada Mali ,Ururka Islaamka ee Ansar Dine iyo kooxda dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Azawad ee magacooda loo soo gaabiyo MNLA ayaa ku hishiiyay ixtiraamida qaranka iyo mudnaanta argagixisada.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii maalintii shalay ay labada dhinac ku kulmeen dalka ay deriska ay yihiin ee Burkina Faso.

Midowga Africa ayaa dalbaday in Qaramada Midoobay ay aqbasho in wadankaasi Mali laga la geeyo ciidamo melatari ah si ay amaanka u sugaan islamarkaana mucaaradkaasi aysan wadankaasi kaga dhisin dowlad islaami ah.

Mucaaradka ayaa gacanta ku haya magaalooyin waaweyn oo ku yaala waqooyiga dalka Mali,waxaana ay horay u cadeeyeen inay dowlad qaran oo madax banaan.

Ururka wadamada Bariga Africa ee loosoo gaabiyo (ECOWAS) ayaa sheegay in diyaar ay uyihiin in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay la geeyo dalka Mali kuwaasi oo ay sheegeen in la geynayo bisha soo socota.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA