Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Sida ay inoo shegeen qaar kamid ah ganacsatada ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha Magaalada Muqdisho waxaa goordhaweyd halkaasi ka dhacay qarax khasaare geestay.


Qarax oo ahaa bambada nooca gacanta lagu tuuro ayaa la sheegay in lagu tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xilli ay ay marayeen suuqa dahablaha ee Bakaaraha.

Inkastoo aan la heyn tirada rasmiga ah ee ku dhintay qaraxaasi ama ku dhaawacmay ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kadib waxa ay fureen rasaas xoogan oo aysan jirin cid khasaaro kasoo gaartay.

Gaadiidka Ambulance ayaa goobta ka bilaabay daad gureynta dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay qaraxaasi iyadoo ciidamada ay qab qabteen dad ay la xiriirinayaan qaraxaasi.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa la kulma qaraxyada caynkan oo kale ah oo ay tuuraan dhalinyaro kuwaasi oo durba meesha ka baxsada marka ay tuuraan qaraxa.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA