Thursday December 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ahna wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa waxa uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaalia waxaana uu ka hadlay waxyaabihii ugu Muhiimsanaa ee looga hadlay shir uu kaga qaybgalay Turkiga.



C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa waxa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Adan Cadde Airport mas’uuliyiin katirsan dawlada Soomaaliya uuna hogaaminayey agaasimaha wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa kadib nasasho waxa uu qabtay shir jaraa’id.

Wuxuu sheegay Wasiirka inay kasoo qeyb gleen shir waddamada islaamka oo ka dhacay magaaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

In si wanaagsan loogu amaanay Shirka ayuu sheegay Xukuumada Cusub ee Soomaalia iyo qaabka loo soo xulay baarlamaanka iyo golaha wasiirada si gaar ahna loo amaanay haweenka wasiirada noqday.

Ugu dabayn Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in Dowlada Turkiga ay u balan qaadeen Mashaariic badan oo gaaraysa ilaa 27 Mashaaric oo lagu hor marinayo dalka.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA