kooxaha mucaaradka ee ka dagaalama dalka jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Kongo ee loo yaqaano M23 iyo Mas'uuliyiinta dowlada Kongo ayaa wado hada hadalo xal lagu doonayo markale waxa uu ugu furmay dallka Uganda gaar ahaan Magaalada Kampala ee Caasimada dalkaasi.
Wafdi ka kala socda mucaaradka M23 iyo dowlada ayaa maalinta bari lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Kampala ee dalka Uaganda
sidaasi waxaa saxaafada u sheegay afhayeen u hadlay Dowlada oo lagu magacaabo
Opolot.
Wadahadaladaan la wado inay ka furmaan dalka Uganda ayaa u jeedkooda waxa uu yahay sidii xal
waara loogu gaari lahaa dhibaatada colaad ee ka taagan dalka Jamhuuriyada
Dimuqraadiga ee Kongo,waxa uuna dhameystir u yahay heshiis hordhac ah oo
dhawaan mucaaradka iyo dolwada ay Kampalaay ku gaareen kaai oo la doonayo in waxyaabaha ka harsan haatan la dhameystiro,
Wafuud kala duwan oo labada dhinac ah ayaa ku sii qulquleysa magaalada Kampala oo ka kala socota
Mucaaradka iyo dowlada,waxaana kulankaan la doonayo in heshiis laga gaaro
colaada Kongo ayaa waxaa horkaceysa dowlada Uganda oo horay loogu eedeeyay in
ay taageero siiso Mucaaradka M23.
Mucaaradka ayaa horay ugu hanjabaad ugu jeediyay dowlada kaasi oo ku
aadanaa in ay dib ugu soo laabanayaan Magaalooyinkii ay baneeyeen hadii
Madaxweynaha dalka Kongo ee Joseph Kapila uusan qaadan ama ku dhaqmin qodobo
dhowr ah oo laga soo saaray heshiis dhawaan lagu gaaray dalka Uganda kaasi oo
sabab u ahaa in mucaaradka ay ka baxaan dhullal dhowr ah oo Gooma ay ka mid
tahay.