Friday December 07, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahana Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ardayda ah ee haatan wax ka barta magaalada Muqdisho ay wax u bartaan

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadalka jeediyay xilli kulan uu la qaatay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in ardayda haatan ay yihiin Mustaqbalka wadanka ee bari.

Maxamed sheekh Cismaan Jawaari wuxuu hadalkiisa intaasi ku si daray in dowlada Soomaaliya ay ku dhiira galinayso ardayda Soomaaliyeed in ay waxbartaan isla markaana heerka waxbarashada dalka kor loo qaado.

Gudoomiye Jawaari hadalkiisan waxaa uu ku soo aadayaa xilli caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ku sugan yihiin arday aad u badan oo wax ka barta jaamacadaha kala duwan iyo macaahidda ku yaala muqdisho waxaana jira arday kale oo wax ka barta gobollada dalka .

Waxaa jirta dhibaatooyin badan oo ay ardayda ama dhalinta soomaaliyeed ay ka siman yihiin taasi oo ah inay isaga cararaan dalka si ay u helaan nolol ka gadisan midda ay hadda ku noolyihiin maadaama ay dhalinta ay heysato shaqo la'aan baahsan ayna u baahan yihiin in loo sameeyo shaqo abuuris si ay dalkooda wax ugu qabsadaan .

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA