Odayaasha dhaqanka ee ku nool Gobaladda Jubbooyinka ayaa si kulul uga hadlay faragelin ay sheegeen in Dowladda Ethiopia ay ku hayso maamul usameynta Gobaladaasi.
Xuseen Xasan oo kamid ah Nabadoonada Jubbooyinka kuna sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia aysan marnaba faraha lasoo geli karin siyaasada dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Ethiopia weligeed aysan ka shaqeyn maslaxada umadda Soomaaliyeed islamarkaana iminka ay doonayso inay qasto maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka.
Xuseen Xasan ayaa sheegay in Soomaalida ay yihiin dad isgaranaya oo heshiin kara balse aysan ubaahneyn gacmo shisheeye sida ay doonaan haku yimaadaane.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com