Wednesday December 12, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maamulka Soomaaliland ayaa uga digay wariyeyaasha ku dhaqan deeganada uu maamulkaasi ka arimiyo inay baahiyaan warar kicinaya dareenka Bulshada oo dhibaato abuuri kari.


Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta maamulka Soomaaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wariyeyaasha aysan tabin warar dhibaato abuura kara.

Wuxuu sheegay in markii lagu dhawaaqay natiijada ay heleen Ururada siyaasada Soomaaliland doorashadii wariyeyaasha qaarkood waxa ay baahiyeen warar si qaldan ah.

Cukuse ayaa sheegay in hab qabiil ah ay usheegeen wariyeyaasha wararka balse cida meesha ku tartamaysa aysan aheyn qabiil balse ay yihiin ururo siyaasadeed oo loolamaya.

Wararka sida qaldan loo baahiyo ayuu sheegay inay abuuri karto xasarad ka dhexdhalata shacabka Soomaaliland taasi oo suuragal ah inay dhibaato ka timaado.

Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu kamid yahay meelaha lagu dhibaateeyo suxufiyiinta inkastoo aysan ku badneyn dhibaatada loo geesto saxaafada hayeeshe marwaliba loo sheego baahinta wararka wanaagsan.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA