Wednesday December 12, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha kumeelka gaarka ee dalka Mali, Dioncounda Traore, ayaa soo magacaaba Ra’iisul wasaare cusub oo uu yeeshay dalkaasi Mali,kaasi oo badalaya Ra’iisul wasaarihii hore ee is casilay Sheikh Diarra.


Diango Sissoko ,ayaa maalintii shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay inuu yahay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Mali,inka yar 24 saac markii la xeray Ra’iisul wasaarihii hore ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado dalka.

Afhayeen u hadlay ciidamada Afgambiga ku qabsaday dalkaasi Mali Bakary Mariko,ayaa sheegay iscasilaadii Diarra aysan aheyn natiijada rasmiga oo ay doonayeen.

Mariko ayaa sheegay in tani aysan ahayen Afgambi cusub isaga oo la hadlay Taleefishanka France 24.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Diarra ay xereen Shalay ka dib markii uu isku dayay inuu dalka baxo wuxuuna xusay inay ku xereen xabsi guri sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Kumeel gaarka ee Mali ayaa sheegay in dowlad cusub ay soo dhisayaan dhamaadka todobaadkaan sida uu sheegay.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xiritaankii Sheikh Diarra Ra’iisul wasaarihii iscasilay.

Sheikh Diarra waxa uu ahaa Ra’iisul wasaare ku meel gaar ah waxii ka dambeeyay Bishii April.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA