Warbixin laga soo saaray dagaalada wali kasii soconaya dalkaasi Syria gaar ahaan magaalada Hama ayaa la sheegay in lagu dilay dadkii ugu badnaa ee u dhashay dalkaasi todobaadkii ugu dambeeyay.
Qarax lagu weeraray xaafada Aqrab ayaa dilay dad rayid ah islamarkaana dhaawacay ku dhawaad 125 ruux sidaasina waxaa sheegtay hayad u dooda xuquuqda aadanaha oo ka dhisan dalkaasi “SOHR”.
“Ma ogaan karno in mucaaradka ay ka dambeeyeen weerarkaan,laakiin hadii ay yihiin waxay ahaan doontaa markii ugu darneyd oodada rayid ah loo waxyeeleeyo dad rayid ah” ayuu sheegay madaxa Hayada Xuquuqda aadanaha ee dalka Syria Rami Abdel Rahman.
Maagalada Aqrab waxay ku taala meel ku dhow Houla ,halkaasi oo ay ku badan yihiin Dadka Muslinka Suniga ah halkaasi oo 108 ruux oo ay ku jiraan 49 caruur ah iyo 34 haween ah lagu xasuuqay bishii May 25 keedii
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in dowladaiisa ay hada wado xalinta xaalada dalka Syria gaar ahaan xalinta dagaalka ka dhaxeeya Mucaaradka iyo Al Asad.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com