Guddoomiyaha Baarlamaanka
dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay
in ujeedka maanta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo
adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale dalka
Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay
in Xildhibaanada ay yihiin wakiilo matalaya shacabka Soomaaliyeed loona
baahan yahay mar waliba inay ka fekeraan shacabkooda Soomaaliyeed.
Waa
markii ugu horeysay ee Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo
gaaro Magaalada Muqdisho islamarkaana uu hortago Baarlamaanka
Soomaaliya.
Dowladda Jabuuti ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga
ciidamo ku howlgala magaca AMISOM kuwaasi oo ku sugan Magaalada
Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan iyo Magaalada Muqdisho.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com