Thursday December 13, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Isaga oo ka hadlaye Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Gobalada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay in Jubbooyinka ay kamid yihiin dalka Soomaaliya Dowladda Kenyana ay door ku leedahay arimaha Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay muujisay taageero ballaaran oo u hayso shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda intaba islamarkaana aysan jirin arin ay ku kala duwan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee laga qaaday goobaha isbaarooyinka inay Dowladda Soomaaliya uwado qorshayaal kala duwan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuuu sheegay in Dhalinyarada laga qaaday isbaarooyinka aysan macnaheedu aheyn inay iska kala tagaan isaga oo tilmaamay inay usocdaan qorshayaal.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada loo kala qeybinayo qof waliba iyo xirfada uu yaqaan isaga oo tilmaamay in intii ku biiri karta ciidamada ammaanka Dowladda lagu darayo qaarna loo sameynayo dhaqancelin.

Inay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka ayuu sheegay inay udiyaariyeen dhalinyaradaasi islamarkaana iminka Degmooyinka qaarkood ay ka socdaan diiwaangelin lagu diiwaan gelinayo dhalinyaradaasi.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Kenya ay door muuqato ku leedahay siyaasadaha iminka ka taagaan Gobalada Jubbooyinka.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA