Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in burburka dalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin kooxo wadadaado ah marka laga soo tago qabyaalada Soomaalia horumarka udiiday.
Idiris Arnaaud Cali Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jira ay yihiin kuwa ay wadaan Al-Shabaabka ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa Shabaab ku eedeeyay inay dadka si maalayacni ah isaga laayaan islamarkaana taasi aan loo baahneyn.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in loo baahan yahay inay wacyigelin usameeyaan Dhalinyarada ku jira Shabaab ee Dowladda Soomaaliya dagaalka kala soo horjeeda.
Dhalinyarada ku jira Shabaab ayaa inta badan waxaa loo jeediyaa baaqyo ku aadan inay ka tanaasulaan falalka ay ku jiraan inkastoo ay jiraan kuwa qaata iyo kuwa kasoo horjeesta.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com