Xidlhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tallaabo horumar leh ku tilmaamay kaalinta Jabuuti ay ka qaadanayso dalka Soomaaliya.
Qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay tahay Dowlad Soomaaliya la walaal ah islamarkaana jecel horumarada dalka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dalka Labaad ee Soomaaliya taasi oo lagu saleeyay in Dowladdo dhowr ah lagu soo dhisay dalka Jabuuti marka laga reebo Dowladii Kenya lagu soo dhisay.
Waxa ay sheegeen Xildhibaanada in dadka Soomaalida ah ee ku nool Xerada Dhadhaab ay aad uga walwalayaan balse aysan ka welwelin dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Jabuuti.
Hadalka Xildhibaanadaan ka tirsan aqalka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo shalay magaalada Muqdisho uu soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoonka Baarlamaanka dalka Jabuuti uuna ka qeyb qaatay kulan Baarlamaanka uu ku lahaa Golaha shacabka.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com