Thursday December 13, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo labo qarax oo kale oo waaweyn ayaa kadhacay afaafka hore ee wasaarada arimaha gudaha ee dalka Syria caasimada Dimishiq.


Sida uu baahiyay TV-ga qaranka dalkaasi Syria qaraxyada ayaa ahaa kuwo xoogan oo dhawaqooda laga maqlay xaafado ka mid ah Dimishiq.

Aroornimadii shalay warbaahinta dalkaasi ayaa tabisay in gaari waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen uu ku qarxay meel ku dhow wasaarada cadaalada ee dalkaasi kaasi oo uu ku dhintay hal ruux.

Wariye Aljazeera ka tirsan oo ku sugan Dimishiq ayaa sheegay in mucaaradka dalkaasi ay isku dayeen inay jaraan wadada isku xirta caasimada dimishiq iyo garoonka diyaaradaha.

Qaraxyada ayaa waxay ka dhaceen meelo si aad ah loo ilaaliyo kuwaasi oo horaya aysan kaga dhicin.

Mucaaradka dalkaasi Syria ayaanan wali ka hadlin qaraxyada ka dhacay dalkaasi Syria gaar ahaan caasimada Dimishiq.

Arintaan ayaa imaanaysa iyadoo maalintii shalay kulan ka dhacay dalka morocco inka badan 100 wadan.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA