Monday December 31, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xoghayaha arimaha dibada dalka Maraykanka ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada New York ee dalkaasi ka dib markii sida la sheegay uu soo wajahay xanuun dhiiga xinjiriha ah,sidaasi waxaa shaaciyay masuuliyiin dowlada ka tirsan.


Mrs Clinton ayaa la xanuunsaneyd shook maskaxeed horaantii bishaan,ka dib markii ay suuxday dhulkana u dhacday sida lagu sheegay warbixin ay qortay BBC-da.

Waxii ka dambeeyay waqtigaasi waxaa la sheegay inuu soo wajahay xanuun dhanka caloosha ah ,waxaana la sheegay in dhiiga xinjiraha ay qalaleen,iyadoo taasi lagu ogaaday ka dib la baaray.

Philippe Reines,oo ah afhayeen u hadlay Clinton ayaa sheegay in dhaqaatiir ay la tacaalayaan daweynta Clinton,oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Sidoo kale Philippe Reines ayaa sheegay in dhaqaatiirka ay ku wargeliyeen in Clinton ay ku jiro isbitaalka 48 saac ee soo socota,iyadoo ay baarayaan xaalada xoghayaha arimaha dibada Maraykanka.

Mrs Clinton ayaa loo magacaabay xilka xoghayaha arimaha dibada Maraykanka markii ugu horeysay markii madaxweyne Obama uu qabtay xilkaasi sanadkii 2009 bishii Janaayo.

Mrs Clinton, waa 65 sano jir,waxaa la sheegay inay tahay xoghaye arimo dobadeedkii ugu safarka badnaa ee xoo mara dalkaasi,iyadoo booqatay 112 wadan sida ay qortay wakaalada wararka ee AP.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA