Monday December 31, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Japan ayaa sii daayay doon kaluumeysi oo laga leeyahay dalka China oo maalmo ka hor ay qabteen ciidamadaasi,kadib markii la sheegay inay kusoo xad gudubtay biyaha dalka Japan,sidaasi waxaa sheegay masuuliyiin ka tirsan China.

Doonta ayaa maalintii sabtida laga qabtay biyaha dalka Japan,gaar ahaan xeebaha gobolka Kagoshima,sidaasi waxaa daabacday wakaalada wararka dalka China ee Xinhua news agency.

Qunsiliyada dalka China ee dalka Japan ayaa sheegtay in doontaani ay saarnaayeen shaqaale afar gaaraya,iyagoo la sheegay in doontaasi saacado ay gacanta ugu jirtay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Japan.

Kabtanka doonta ay sii daayeen ciidamada ilaalada dalka Japan ayaa qirtay inay ku xad gudbeen biyaha xeebaha dalkaasi ,sida ay daabacday Xinhua news agency.

Arintaan ayaa imaanaysa bilooyin ka dib markii banaanbaxayaal kasoo horjeeda Japan ay ku banaanbaxeen magaalooyin dalka China iyagoo kasoo isku qilaafsanaa arinta ku aadan xeebaha laba wadan u dhaxeeya.

Kabtanka doonta iyo labo ka mid ah shaqaalihii saarnaa ayaa loo qaaday magaalada kagoshima si su’aalo loo weydiiyo ,halka lix kale oo saarnaa doonta looga tagay goobta,kuwaasi oo ka yimid gobolka koofur bari dalka China ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu qoray Xinhua news agency.

Masuuliyiin ka tirsan qunsuliyada China ee Japan ayaa gaaray magaalada kagoshima,si ay u booqdaan afarta shaqaalaha doonta la socday.

Xiriirka dowladaha Japan iyo china ayaa sii xumaaday waxii ka dambeeyay markii uu ka dhex bilowday qilaafka dhanka jaziirada ku salaysan,oo china looga yaqaan Diaoyu, halka Japan looga yaqaan Senkaku.

Dowlada Japan ayaa maamusha jaziirada Senkaku,iyadoo sidoo kale ay sheegato dowlada Taiwan,waxayna kala xirtaa qadadka maraakiibta caalamiga ay maraan,waxaana biyahaasi ay qani ku yihiin kaluumeysiga iyadoo shidaal badana uu ku jiro,sida lagu sheegay warka lagu qoray wakaalada wararka ee Xinhua news agency.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA