Monday December 31, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaramada midoobay ayaa ku dhawaaqday in maanta oo isniin ah ay ku egtahay howlgalkii ciidamada nabad ilaalinta qaramada midoobay ay ku joogeen dalka ku yaala qaarada Aasiya ee East Timor.


Ciidamada Qaramada midoobay ayaa laga daad gureynayay dalkaasi East Timore,waxii ka dambeeyay bishii October ee sanadkaan maanta ku e gee 2012.

Waxaana ka bixitaanka ciidamadaasi ay timid markii ciidamada dowlada East Timore ay balan qaadeen adkeynta amaanka dalkaasi iyo joogteynta ku dhaqmida amarada iyo sharciyada u degsan dalkaasi.

Ciidamada qaramada midoobay ee sugnaa dalkaasi ayaa ka ciyaaray door muhiim ah marka loo eego abaabulida isku duubnida dalkaasi,kaasi oo xoriyadiisa qaatay 1999.

Ciidamada Qaramada Midoobay ayaa gaaray sanadkii 2006 kadib markii ciidamada meletari ah ay afgambi ku qabsadeen dalkaasi East Timor.

Finn Reske-Nielsen, oo ah madaxa ciidamada ku sugnaa dalkaasi ee loogu magic daray UNMIT ayaa ku yiri war qoraal ah “shacabka iyo hogaamiyaasha East Timore waxay noo muujiyeen dhiiro gelin iyo inuu yimaado isbedel weyn,sidoo kale waxaa u harsan shaqo badan,tani waa arin taariiqi ah oo la abaabulay”

Finn Reske-Nielsen,ayaa sidoo kale sheegay in ka bixitaan dalkaasi East Timor ee ay ka baxayaan ciidamada Qaramada Midoobay aysan aheyn dhameynta xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac “isagoo kusoo idleeyay hadalkiisa wali isbedel ayaa harsan”.

Ciidamada qaramada midoobay ayaa si rasmi ah u maamulayay dalkaasi 2002 ka hor inta uusan noqon qaran jira.

Sanadkii 2006 ayaa ciidamo ka socday dowlada Australian oo loogu magac daray Australian-led International Stabilization Force (ISF,ayaa la gaarsiiyay dalkaasi ,taasi oo la sheegay inay sababtay in boqolaal dadweyne ah ay ka barakacaan guryahooda.

Howlgalkii ciidamada Australian-led International Stabilization Force (ISF ayaa soo dhamaaday bishii lasoo dhaafay.

Wariye ku sugan dalkaasi East Timor kana tirsan BBC ayaa sheegay in dalka uu yahay wadanka ugu faqrisan.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA