Wednesday January 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Iyadoo tan iyo markii la shaaciyay natiijadii kasoo baxday doorashada Golaha deegaanka maamulka Soomaaliland ay jireen dhaliilo loo jeedinayo qaabka loo soo bandhigay natiijada ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Injineer Faysal Cali Waraabe wuxuu ka hadlay natiijada doorashooyinka.

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga ucid ee maamulka Soomaaliland ayaa wuxuu sheegay in natiijada kasoo baxday doorashada golaha deegaanka ay tahay mid aan cadaalad ku dheehneen.

Wuxuu sheegay in Xisbiyada ka haray doorashooyinka ay uga hareen si xaqdaro ah islamarkaana taasi ay ka dambeeyeen dad ku dhaqaaqay musuqmaasuq.

“Doorashada gabigeeda waxa ay aheyd mid la isdaba mariyay oo la marin habaabiyay sidii xaqa aheyd si aan aheyn baa laga dhigay”Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Xisbiga Ucid.

Hadalka kasoo baxay Guddoomiyaha Xisbiga ucid ayaa wuxuu imaanaya xilli dhaliilo badan loo jeedinayo sida ay udhacday doorashada golaha deegaanka maamulka Soomaaliland,iyadoo maalmahan dambe ay rabshado ka dhacayeen Magaalada Boorame taasi oo la xiriirta arimaha doorashooyinka.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA