Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.
Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah
Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane C/KariimX.Guled, Wasiirka Maaliyadda &
Qorsheynta,Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiir u dowlaha Wasaaradda
arimaha dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal,Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud,iyo Taliyaha
nabad sugida Mudane Axmed M. Fiqi.
Wafidigan ayaawaxey maalintii shalay aheyd ka qeyb
galeen xafladda xornimadda Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aaday munaasabad
lagu furayo biyo xireenka laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka blue Nile.
Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey
kulamo la qaateen Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan
xukumadda dalka Sudaan. Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labadda
dal loo hormarin lahaa.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda
adeegyadda bulshadda ee dowladda Soomaaliya u diyarineyso goboladda dalka .Adeegyadaas ayaa ka kooban
amniga, waxbarashada, caafimaadka,garsoorka iyo adeegyadda kale ee bulshadda waxey’naqeyb ka yihiin Lixda Tiir siyaasadeed
ee dowladda (Six Pillar policy).

