Wednesday January 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Inter Milan ayaa u kulul inay soo xera geliso bishan ciyaaryahanka Wadanka Turkiga ee sida amaahda ugu ciyaara kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska Nuri Sahin.

kooxda Taliyaaniga ayaa quud daraynaysa in Si amaah ay Real Madrid kala gor gortanto Maadama Liverpool ay u muuqato mid ka tashatay Sahin.

Wargayska Dail Mail ayaa sheegay in 24 jirka Turkiga uu ku laabanayo Real Madrid.

Liverpool ayaa Sahin iska fasaxaysa maadaama ay ku dhowdahay heshiiska laacibka Chelsea ee Daniel Sturridge oo ay qorsheysay in weerar dhexe ay geyso.

Inter Milan ayaa todobaadyada soo aadan waxaa ay wakiilo u diri doontaa magaalada Madrid oo kooxda Real ay ka dhisan tahay.
 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA