Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ah Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Si habsimi leh loogu soo dhaweeyay magaalada iyadoo amaankana la adkeeyay.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda kulan uu la qaato saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Baydhaba iyo waxgaradka degmada.
Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowlada.
Socdaalka wafdigan ayaa ah mid ay ugu kuurgalayaan xaalada ay ku shaqeeyaan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi iyo sidii ay u bilaabi lahaayeen bixinta mushaarka ciidanka.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com