Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dab qasaaro naf iyo maal leh gaystay oo ka kacay Gobolka hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas.
Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay Dugsi Quraan waxaana uu qabsaday guryo badan oo ku yaalay degmada iyadoo ay ku dhex maqan yihiin guryaahaas Keydad cuna ah oo dadka ay dhigteen.
Gudoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Muumin Maxamad oo Idaacada Risaala la hadlay ayaa sheegay in dabka uu gaystay qasaaro Naf iyo maal.
Wuxuu Gudoomiyaha qiray in xoolo badan uu baabi'iyay dabka laakiin waxaa uu meesha ka saaray in dhimasho ay jirto hayeeshee waxuu sheegay in Caruur badan ay ka bad baadeen dabka.
Dabkan ayaa Imaanaya iyadoo dhawaan uu dab sidaan oo kale uu kakacay degmadaas kaas oo qasaaro gaarsiiyay Ganacsato degmada deganaa.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com