Wednesday January 09, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Golaha Qaranka Dalka Venezuela ayaa meel mariyay codsi kaga yimid madaxweynaha dalkaasi Hugo Chavez kaasi ahaa dib u dhigada caleema saarkiisa kaasi oo lagu balansanaa maalinta Qamiista ah ee berito ah.


Chavez ayaa ku jira isbitaal ku yaala dalka deriska ay yihiin ee Cuba ,wuxuuna la xanuunsanayaa xanuun daran kaasi oo sababay inuu ku dhaco sambabaha.

Sharci dajiyaasha dalkaasi ayaa u codeeyay in la siiyo Mr Chavez waqti badan oo uu ubaahan yahay si uu dib isku soo celiyo.

Mr Chavez bil ka hor ayaa qaliinkiisii Afaraad lagu sameeyay dalka Cuba ilaa iyo iminkana kama uusan muuqan warbaahinta muddadaasi,waana midda keentay in mucaraadka dalkaasi uu ku dhiirado qabasho doorashooyin.

Maalmo ka hor madaxweyne ku xigeen dalkaasi Nicolas Maduro,ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Chavez uu ku laaban karo dalkiisa ,islamarkaana uu ka qeyb gali karo xaflada.

Mucaaradka dalkaasi Venezuela ayaa ugu baaqay maxkamada sare ee dalkaasi inay xukunto waxa ay ku dhaqaaqayaan haddi Chaves uu ka maqnaan dalkaasi.

Henrique Capriles,oo ah hogaamiyaha mucaraadka dalkaasi ayaa Chaves ugu baaqay inuu cadeeyo maqnaanshihiisa,isagoo sheegay in Diosdado Cabello uu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah.

Madaxweynaha qaliinka ku maqal ee Chaves ayaa xilka madaxtinimo la wareegay sanadkii 1999,waxaana dib loo doortay bishii October markiisii afaraad.

Maalintii Isniinta ,Mr Cabello ayaa ugu yeeray taageerayaasha Chaves in maalinta qamiista ay isugu yimaadaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Caracas si ay u taageeraan isaga.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA