Thursday January 10, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maxkamada Sare ee dalka Venezuela ayaa sharciyeysay dib udhigida dhaarinta madaxweynaha dalkaasi oo mar kale la doortay,waxaana maxkamada ay sheegtay inay sharci tahay.


Hogaamiyaha mucaaraadka Henrique Capriles ayaa aqbalay xukunka maxkamada ee dib u dhigista ah ,laakiin wuxuu sheegay inuusan dhamaaneynin walaaca dalkaasi Venezuela.

Madaxweynaha dalka Venezuela ayaanan kasoo muuqan shaashadaha caalamka muddo bil ka badan,waxaana uu ku jiraa isbitaal ku yaala dalka ay deriska yihiin ee Cuba oo qaliinkiisii afaraad loogu sameeyay.

Maalintii shalay golaha qaranka dalkaasi ayaa u codeeyay in Chavez la siiyo waqtiga dheer ee uu u baahan yahay.

Madaxa ugu sareey maxkamada Sare ee dalkaasi Luisa Estella Morales,ayaa sheegtay inaysan macquul aheyn aqbalida maqnaanshaha wati dheer ee Chaves oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala dalka Cuba.

Maxkamada Sare ee dalkaasi ayaa aqbashay dib udhigista dhaarinta Chaves,laakiin warqoraal ah oo kasoo baxay ayaa lagu shegay in muhiim ay tahay dhaarinta Chaves.

Luisa Estella Morales,ayaa sheegtay in xaflada dhaarinta aysan shaki ka qabin dhicitaankeeda.

“laakiin waqti xaadirkaan ,ma dhihi karo ,goormaa ,side,halkee madaxweynaha lagu dhaarin doonaa”ayay tiri Luisa Estella Morales oo madaxa ugu sareeyo maxkamada sare ee dalkaasi.

Hogaamiyaha mucaaradka dalkaasi ayaa ugu baaqay madaxweyne ku xigeenka Venezuela Nicolas Maduro,inuu sii hayaa xilka madaxweynaya ilaa inta uu ka maqan yahay dalka Hugo Chaves.

Wuxuuna sidoo kale uu ugu baaqay inuu bilaabo xalinta dhibaatooyinka ka taagan dalka iyo shacabka Venezuela.

Sidoo kale Mr Capriles,ayaa ujeediyay taageerayaashiisa inay joojiyaan banaanbaxyada ay ka dhigayaan waddooyinka magaalada kuwaasi oo ka banaanbaxayay xukunkiii ay riday maxkamada dalkaasi.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA