Friday January 11, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ugu yaraan 7 Qof oo Seddex ka mid ah ay yihiin Mareynkan ayaa geeriyootay ka dib Markii uu dab ka kacay hotel u dhow xaruntii hore ee ciidamada Badda Mareynkanka oo ku taala waqooyiga dalka Philippines.

Shilka Dabka ayaa ka dhacay hoteel lagu magacaabo Dryden Hotel islamarkaana ku yaala magaalada Olongapo oo bari ka jirta caasimada Manila ee dalka Philippines.

Dabka ka kacay hoteelka Dryden Hotel ayaa sababay in waxyeelo ka soo gaarto shaqsi waqooyiga kuuriya u dhashay iyo Seddex Haween ah oo la shaacin dhalashadooda,sidoo kalena Dabka ayaa qasaaro burbur gaarsiiyay hoteelka oo dhamaan dhismihii hoteelka dhulka la simay.

Ilaa iyo iminka si dhab ah looma ogaankaro waxyaabaha dhabta ah ee ka danbeeya in uu dabka ka kaco Hoteelkaan,waxaana wali socda baaritaano ay wadaan Poliiska.


Taliyaha ciidamada magaalada Olongapo Angelito Layug ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan waxyaabaha sababay in Hoteelka Dabka uu ka kaco,isagoona sheegay in goobta uu dabka ka kacay ay tahay goob loo dalxiis tago.

Layug ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Mareynkanka Saldhig u ahayd hareeraha magaalo Xeebeedkan.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA