Lashkar-e-Jhangvi oo ka mid ah kooxada suniyiinta ayaa shaaca ka qaaday in iyagu ay ka danbeeyaan weerar dad badan oo kor u dhaafaya 100 qof shiica ah ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Bakistaan.
Qaraxyo Bambaano ah iyo Rabshado sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Quetta,dooxada Swat ee waqooyi Galbeed ee dalka Bakistaan ku taalo iyo magaalada dekada leh ee Karachi.
92 qof oo u badan kooxda shiicada ayaa ku dhintay qaraxyo isxig xigay oo gaaraya ilaa iyo Afar oo ka dhacay magaalada Quetta oo ah caasimada gobolka Balochistan.
Wariyaha AL-jazeera ugu soo warama dalka Islamabad ayaa sheegay in weerarada inta badan lala beegsado kooxda shiicada ah ay geystaan kooxda kale suniyiinta oo cadaawad soo jireen ah ka dhaxeyso.
Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in wali ay socdaan bartilmaameedka ay isku hayaan labadni koox ee Suniyiinta iyo Shiicada.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com