Sunday January 13, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbixin magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ay ka soo saareen Hay'ada Xaquuqda aadanaha u dooda, ayaa waxay ku sheegeen in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay in si sharuud la'aan ah ku sii deyso wariye ay sheegeen in uu u xiran yahay xukuumada oo ku eedeysan in uu baahiyay warar sheegaya in kufsi lagula kacay haweeney ka mid ahayd haweenka ku dhaqan xerooyin barakacaayasha Muqdisho.

Wariyaha u xiran xukuumada ayaa lagu magacaabaa Abdiaziz Abdinur Ibrahim,waxaana hay'ada u dooda xaquuqda aadanaha ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan ugu baaqday xukuumada Soomaaliya in si sharuud la'aan ah ku sii deyso Wariyaha gacanta ugu jira.

Daniel Bekele oo ah Agaasimaha Africa u qaabilsan Hay'ada xaquuqda aadanaha oo ku saxiixnaa warbixinta xafiiska Nairobi laga soo saaray,ayaa waxuu sheegay in wariyaha dib loo siiyo xuriyadiisa islamarkaana, waxa uu baahiyay ay ahaayeen qeyb ka mid ah shaqadiisa, dowladana looga baahan yahay in ay ilaaliso xoriyada Saxaafada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho ka holwgala.

"Dowlada cusub waa inay ogaataa in ciidamada Boliiska Soomaaliya ay qey ka yihiin dhibaatada Soomaaliya,baaritaana waa inay sameysaa oo arintaan si weyn loo hubiyaa oo aan lagu deg degin,muhiimadana waa in la sii daayo wariyaha wali gacanta ugu jira hay'ada CID-da."

10-kii bishan janaayo ayaa waaxda barista danbiyada ee (CID),waxay jaylka dhigtay Wariye ka tirsan wariyaasha ka howlgala warbaahinta dibada iyo dalkaba,kaasi oo lagu eedeyay in u baahiyay warar aanu qancin Mas'uuliyiinta dowlada oo ku aadan in ciidamo ku libisan dareeska ciidana dowlada Kufsi ay u geysteen haweeney barakac ah.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA