Sunday January 13, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Howlo bur burin ah ayaa maanta waxaa laga bilaabay Suuqa Xamar Weyne kaas oo lagu bur burinayay dhismayaal sharcidaro ah oo ka dhisnaa halkaas.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid ayaa ka qeyb ahaa bur burinta dhismayaasha Sharcidarada ee Suuqa kuyaalay,iyadoo sidoo kale inta ay socotay bur burinta la arkayay ciidamada Booliska Amisom.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle oo lahadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dadkaas siiyey mudo ku filan oo ay dhismahooyinkaas ku bur buriyaan Isagoo sheegay in maanta lasoo gaaray Xaliga kama danbeystii ayna waajib tahay in talaabadaas la qaado.

Wuxuu sheegay Cabdi Kaafi Iney sii wadi doonaan howlahaas bur burinta ah ilaa ay ka xaqiijinayaa bilicda Suuqyada Muqdisho.

Talaabadaas bur burinta ayaa waxaa ka soo horjeestay ganacsatadii ku ganacsanayay goobahaas oo sheegay iney ka xun yihiin.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA