Sunday January 13, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Sida ay qortay Wakaalada wararka ee AP,Hay'ada sirdoonka dalka Demmark ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan Morten Storm oo ah muwaadin u dhashay dalkaasi,kaasi oo lagu eedeeyay in uu ku biiryay Al-Qaa'ida islamarkaana dalal badan uu ka soo dagaalaamay Sida Soomaaliya iyo Yemen halkaasina tabar ku soo qaatay oo ku aadan dhanka dagaalka,sidaana waxay wakaalada AP, ka soo xiganeysaa Saraakiil ka tirsan Hay'adaha amaanka dalkaasi Denmark.

Morten Storm oo 37 jir ah ayaa Hay'ada sirdoonka dalka Denmark waxay ku eedeeyeen in uu safar uu ku tagay dalalka Soomaaliya iyo Yemen uu ku soo qaatay tababar ku aadan in uu qal qal giliyo amaanka dalka Denmarka, sida dowlada ay sheegtay,waxuuna haatan dib ugu laabtay gudaha dalka Denmar gaar ahaan caasimada Cobanhegan, halkaasi uu damacsan yahay in weeraro uu ka geysto sida warbixinta ka soo baxday Sirdoonka Denmark lagu sheegay.

Morten Storm ayaa lagu sheegay warbixinta in uu ka soo barbar dagaalamay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya,isagoona in mudo ah ku sugnaa Soomaaliya sida dowlada Denmarka ay shaacisay.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in dowlada Denmark amar buuxa ku bixisay in la sameeyo baaritaano la doonayo in lagu soo qabto Muwaadinkaasi oo xariirka la leh sida lagu eedeeyay Al-shabaab.

Morten Storm ayaa horay waxaa la sheegay in uu ula shaqeeynayay CIA-da dalkaasi Denmar,isagoona markii in mudo ah ka shaqeeynayay CIA-da uu u safray dalka Yemen halkaasina uu ku bartay diinta islaamka sidaasina ugu biiray Al-Qaa'ida.

Waxuuna haatan sida Hay'adaha Amaaanka ay sheegeen isagoo tababar qabat dib ugu laabtay dalka Denmar oo laga yaabo in halkaasi uu qal qal ku abuuro,dowlada ay ka cabsi qabto in shaqsigaasi weeraro dalkeeda uu ka geysto.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA