Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta dalka Kenya wuxuu kula kulmayaa dhigiisa dalkaasi oo ay kawada hadlayaan arimaha Gaashaandhiga.


Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhigiisa dalka kenya uu maanta kala hadlayo arimaha la xiriira Gaashaandhiga labada dal maadaama dalka kenya ciidamo ku shaqeeya magaca AMISOM ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa isaga oo ku sugan dalka Kenya wuxuu sheegay inuu kasoo noqday dalka Uganda halkaasina ay kusoo wada kulmeen masuuliyiinta ugu sareysa dalkaasi.

Wuxuu sheegay inay kasoo wada hadleen arimo dhowr ah oo la xiriira dhanka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayna si wanaagsan isugu soo afgarteen dhamaan amuurihii ay kasoo wada hadleen.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiinta dalka Uganda ay isla garteen tababarada ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu siin jiray dalka Uganda loosoo bedelo in gudaha Soomaaliya lagu siiyo ciidamada Dowladda,taasina ay ka aqbaleen sida uu sheegay.

Ugu dambeyn maanta ayaa lagu wadaa wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya inuu la kulmo dhigiisa dalka Kenya oo ay kawada hadlaan arimaha Gaashaandhiga labada dal.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA