Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa shaaca ka qaaday in weerarka guuldareystay ee Faransiiska uu ku soo qaaday Soomaaliya dowladiisa ay ka gacansiisay ciidamada Faransiiska.


Brack Obama ayaa sheegay in ciidamo Mareykan ah qeyb ka ahaayeen howlgalkii lagu soo qaaday Soomaaliya.

"Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa si aan shaacsaneyn ku galay hawada Soomaliya si ay u taageeraan howlgalka fashilmay,hadii loo baahnaa diyaaradahan wax hub ah ay rideen ma jirin inta howlgalka uu socday"Obama ayaa sidaa sheegay.

Sidoo Kale Obaama ayaa hoosta ka xariiqay in kaliya ciidamadiisa ay Faransiika ka caabiyeen dhanka farsamada ee lagu weeraray xarunta Al-Shabaab maalintii jimcada ahayd ee Buulo Mareer.

Madaxweynaha Mareykanka oo ku dheeraaday ka hadalkii howlgalkii Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah waxuu u gudbiyay sharci dejiyaasha dalkaasi si u fuliyaan codsiga Obama uu ku doonayo awoodiisa uu ku balaariyo dagaalka ka jiro Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkiisa qoraalka ah ku soo gabagabeeyay in dagaalka Soomaaliya Faransiiska ay ku soo qaadeen si toos ah kaga qeyb qaateen dagaalika lagu doonayay in lagu furto muwaadin u dhashay dalka Faransiiska.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA