Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka arimaha dibada dalka France Laurent Fabius ayaa sheegay in ku lug lahaanshaha howlgalada ka dhanka kooxa islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaasi Mali inay soo dhamaan doonaan todobaadyada soo socda.
Wasiirka arimaha dibada dalka France Laurent Fabius ayaa sheegay in ku lug lahaanshaha howlgalada ka dhanka kooxa islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaasi Mali inay soo dhamaan doonaan todobaadyada soo socda.

Faransiiska ayaa ka dalbaday golaha amaanka ee qaramada midoobay inay kalfadhi ay ka yeeshaan xaalada dalkaasi Mali oo sii cakirmeysa iyo dagaalka ka dhan kooxa islaamiyiinta.

Maalintii shalay oo Axad aheyd diyaaradaha dagaalka France ayaa duqeeyay magaalada Gao ee bariga dalka mali,halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxa dowlada ka horjeeda sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Militariga dalka France ayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah kooxaha islaamiyiinta ee dalka Mali ka bilaabay maalintii Jimcaha aheyd,iyagoo ku caawinaya ciidamada dowlada si ay dib ugu qabsadaan deegaano dhowr ah oo ay ka mid aheyd magaalada Konna.

Dowlada Faransa ayaa dalbatay maanta oo isniin ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inay kulan ka yeeshaan xaalada dalka Galbeedka qaarada Afrika ku yaal ee Mali.

Isaga oo la hadlay saxaafada ayuu sheegay wasiirka arimaha dibada dalkaasi France inuu aad kaga soo horjeeda howlgalka daba dheeraaday ee dalka Afganistan ka socda.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada dalkaasi ayaa sheegay in dowlada France aysan sameyn laheyn faragelinta meletari ee dalkaasi ,laakiin ay jireen caqabad laga cabsi qabay in kooxaha islaamiyiinta ay ku noqdaan dalkaasi mali,gaar ahaan caasimada bomako.

Wasiirka arimaha dibada dalkaasi ayaa sheegay in faragelintii ay sameyeen ciidamadooda ay ku guuleysteen joojinta dhaqdhaqaaqii ay wadeen kooxaha islaamiyiinta ah sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dalkaasi Mali ayaa dhawaan sheegay inay aaminsan yihiin in 100 ka mid ah mintidiinta ay ku dileen weeraradii ay bilaabeen ilaa maalintii jimcaha.

Tan iyo markii maalintii jimcaha ciidamada France farogelin meletari ka bilaabeen dalkaasi Mali ,ku dhawaad 11 askari oo u dhashay dalka Mali iyo duuliyo helicopter uu u dhashay dalka Faransa ayaa ku dhintay dalkaasi Mali.

Hayada xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in ku dhawaad 10 ruux oo rayid ah ku dhinteen dalkaasi Mali oo ay ku jiraan seddex caruur ah,kuwaasi oo ku dhintay magaalada Konna markii ay ciidamada qabsanayeen sida hayada sheegtay.

Afhayeen u hadlay kooxda Ansar Dine oo ka mid ah kooxaha ka dhisan dalkaasi Mali ayaa sheegay in ciidamada dowlada France weerarkooda ay diirada ku saareen kaliya seddex magaalo oo kala ah Konna, Douentza and Lere.

Laakiin warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka dowlada France ay bartilmaameydsaneen magaalada kale ee Kidal,halkaasi oo lagu qeexay inay tahay xarunta ugu weyn ee Ansar Dine uuna ku sugnaa hogaamiyaha kooxdaasi Iyad Ag Ghaly.

Dowlada France ayaa u dirtay bartamaha magaalada Mopti iyo caasimada Bomako ku dhawaad 550 askari ,kuwaasi oo ku biiraya ciidamo ka socday dalalka Jaarka la ah Mali ee Niger, Burkina Faso, Nigeria iyo Togo, kuwaasi oo maalmo ka dib la qorsheynayo inay gaaraan Mali.

Dowlada Ingiriiska ayaa ugu deeqday ciidamada Faransa labo diyaarad oo daad gureeynaya diyaaradaha Faransa ,sidoo kale wasiirka arimaha dibada France ayaa sheegay in taageero ay kaga imaanayaan dalalka Maraykanka ,Denmark iyo wadada reer Yurub.

Kooxaha islaamiyiiinta ee ku sugan Galbeedka qaarada Africa ayaa walli waxaa gacantooda ku jira muwadiiniin u dhalatay france oo u afduuban kooxaha ka dhisan galbeedka qaarada Africa.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA