Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ballaaran xalay ilaa iyo saaka waxa ay ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wada howlgalka kuwaasi oo baaraya guryaha iyo sidoo kale goobaha ganacsiga intaba.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qab-qabteen dhalinyaro badan kuwaasi oo qaarkood wajiga inta ay ka xireen gaadiid ay saareen.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee howlgalkaasi horkacaya ilaa iyo iminka majirto faah-faahin dheeri ah oo ay ka bixiyeen kaasi oo la xiriira howlgalka iyo sababta ka dambeysa.

Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa waxaa dhowr mar ay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen howgalo lagu soo qab-qabtay dhalinyaro badan oo Shabaab ay la xiriirinayaan.




 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA