Monday January 14, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu wabiga Shabeele kusoo fatahay deegaan hoostaga Degmada Balcad ee Gobalkaasi.

Xaaji Cali Cumar Wehliye oo kamid ah odayaasha deegaanka ayaa usheegay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho in fatahaada wabiga uu khasaaro kala duwan uu ka geestay deegaanka Buulo xaaji oo uu kusoo fatahay.

Wuxuu sheegay in fatahaada wabiga uu sameeyay khasaaro kala duwan uu ugu geestay beeraha iyo sidoo kale guryo badan oo ku yaala deegaankaasi sidoo kalena uusan jirin khasaaro dhimasho ah oo ka dhashay.

Xaalada dadka deegaanka Buulo Xaaji ay ku nool yihiin ayuu sheegay inay tahay mid liidato islamarkaana aysan haysan nolol wanaagsan isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in guryaha ay ku hooyan lahaayeen xitaa uu wabiga saameyn ballaaran uu ku yeeshay.

Wabiga Shabeele ayaa marmarka qaarkood wuxuu fatahaad ka geestaa deegaano ka tirsan Gobalada uu maro halkaasi oo khasaaro kala duwan ay kasoo gaarta shacabka ku nool goobahaasi.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA