Chelsea ayaa la sheegay iney dooneysa Ciyaaryahanka aan Saldhigan kooxda Barcelona Alex Song sida uu soo wariyay Metro.
Ciyaaryahanka Cameroon ayaa u xarbinaya sidii uu ku muteysan laha
inuu ka mid noqdo 11-ka Ciyaaryahan ee Nou Camp ,Dhawaa ama dheeraan
Alex Song Waa ka tagi doonaa Catalan sida warbixinta ay cadeyneyso.
Song ayaa kaliya lagu bilaabay Line-Upka Garoonka galaya Lex Ciyaar
18 kulan oo La Liga ay ciyaartay Barcelona,waxaana uu u muuqdaa Macalin
Tito Vilanova inuu ka doorbidayo wiilka dheer ee Xiid xiidka Sergio
Busquets oo Si joogta u safta kulamada kooxda.
Chelsea ayaa dareensan iney u baahantahay wali ciyaaryahan qad dhexe
Maxaa yeelay Michael Essien baahi sidaas uma qabto waxaana ay ku
dhiibtay Amaah,Oriol Romeu oo dhaawacan haatan ayaa isagana soo
bandhigin waxqabadkiisa halka Lampard uu gaba gabo uu yahay kooxdana ka
tagayo.
Bilyaneerka hantiilaha ayaa wadahadal hoose ugu jira heshiiska Alex Song Sida Metro ay qortay.
Alex Song ayaa Augustadii hore £15million waxaa ay Barcelona kala
wareegtay Arsenal laakiin Qadka dhexe Barcelona oo badan ayaa keentay
inuu boos heli waayo.